Rakitic Oo Ka Hadlay Hadii Marka Uu Ka Fariisto Kubada Cagta Uu Noqon Doono Macalin

Isagoo wareysi siinayay Majalada Marca, ee kasoo baxda wadanka Spain ayaa xidiga khadka dhexe uga dheela Barcelona ee Ivan Rakitic waxaa wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa kadib kubada cagta

Laacibkaan Barcelona, ku sugan sanad ciyaareedkiisii Shanaad ayaa waxaa uu uga soo biirey Barca, dhigeeda Spain kala dhisan ee Seville, waxaana tan iyo xiligaas uu yahay mid guulo badan la gaarey camaaliqada La Liga.

Rakitic oo la su’aalay hadii kadib kubada cagta uu noqon doono macalin kooxeed ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in taasi ay tahay wax dhici karta, inkastoo uu umuuqdey mid aad uga laba labeynaya arrinkaas

Wuxuu yiri: “Mararka qaarkood Haa, mararka qaarkoodna Maya.

Wuxuu intaas ku darey: “Sababtoo ah, waxa aan doonayo inaan sameeyo [Mustaqbalka] ayaa waxay yihiin mid aan hada diyaarinayo.

Wuxuu sii daba dhigey: “Waa mid aad u adag inaan sameeyo wax aanan ahayn kubad cagta, mana sameyn doono wax iyada ka duwan.

Sikastaba, marka si qoto dheer loo eego hadalka Ivan Rakitic, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadanka Croatia, ayaa wuxuu umuuqdaa mid aanan ka dhax bixi doonin kubada cagta, inkastoo aana la ogeyn qeybta ka aadi doono.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close