Ramos Oo Isku Amaanay Arin Cajiib Ah Oo Uu Sheegay Inuu Kaga Duwan Daafacyadda Kale

Kabtanka Real Madrid, ee Sergio Ramos ayaa wuxuu isku amanay inuu ka duwan yahay Dafaacyadda kale ee ka dheesha dhamaan Horyaaladda Qaaradda Yurub iyo xitaa kuwa kale ee dalalka Caalamka laga ciyaaro.

Wuxuu sheegay in sidaas uu uleeyahay inuu yahay hogaamiye aad uwanagsan, islamarkaana kooxda usoo hooya Guulala wax ku ool ah, dhaliyana Goolal xilli uu sheegay inay Naadigiisa ubaahan tahay.

Ramos, ayaa tibaaxay in arinka uu kaga duwan yahay Daafacyadda kale ay tahay inuu isagoo daafac ah uu udheelo sidii weeraryahan oo kale taasina ay tahay astaanka uu kaga duwan yahay Daafacyadda kale.

Isagoo wareysi siinayay MARCA, oo Spain kasoo baxda Spain ayaa yiri: “Dabcan waxaana kaga duwanahay Daafacyadda kale inaan ahay Hogaamiye wanagsan iyo inaan udheelo weeraryahan oo kale, goolal muhiim ah waan dhaliyaan.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close