Ramos Oo Shaaciyay Sababta Real Aysan U Badin Kulamadii Ugu Dambeysay Balse Xalay Guul U Gaartay

Kabtan Sergio Ramos ayaa wuxuu  qeyb ka ahaa gushii ay xalay ka gaareen Naadiga Apoela, ciyaar ka tirsan Tartanka Champions League, islamarkaana ahayd, mid ka tirsaneed Wareega Group-yada ee Tartankaan, iyagoona 3-0, ugu soo awood sheegtay Naadigaan.

Ciyaarta ayaa waxay kusoo dhamaatay 3-0, iyadoona bandhiga goolasha u furay Laacibka koowaad ee Los Blancos, ninka lagu magacaabo Cristiano Ronlado, kaasoo dhaliyay xalayto gool aad  uqurux badan, islamarkaana aad looga soo shaqeeyay.

Isla CR7, ayaa goolka labaad dhaliyay, iyadoona goolkiisaan uu yimid qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana sedex la dhigay Kabtanka Boqorada Horyaalka La Liga, ee Ramos, iyadoona gabi ahaanba ay sidaas kusoo dhamataay ciyaartaan ee loo wada sugayay.

“Waxaan ahayn, maalmihii ugu dambyeeyay kuwa gool dhalintu ay ku adkeed, balse waan ka baxnay abaartaas, Ronaldo ayaa dhaliyay, wuuuna dhalin doonaa mar waliba, aad ayaana ugu farax sanahay inaad guuleysano,” ayuu usheegay Ramos Saxaafada ciyaarta kadib.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close