RASMI: 11-ka Xidig Ee Ugu Fiicneed UCL Sanadkii 2017 Oo La Shaaciyey – Yaa Ku Badan Real & Barca

Real Madrid ayaa sareynta ugu badan ku leh shaxdii ugu fiicneed sanadkii 2017, Champions League, kuwaasoo ay soo xusheen Akhristayaasha Website-ka rasmiga ah ee xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA.com.

Qiimeyntaan ayaa waxay tahay mid ku kooban intii udhaxeysay bishii November 22-keeda illaa iyo January 10-keeda.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa waxay kasoo kala doorteen shaxdaan 50 ciyaaryahan, kuwaasoo lagu soo bandhigey Website UEFA.com, iyagoona kala ahaa: [5 Goolhaye, 15 Daafac, 15 Khad dhexe iyo 15 weerar yahan].

Sergio Ramos, Kroos, Modric iyo Cristiano Ronaldo, ayaa dhamaantooda kasoo muuqdey liiska, waxaana dhanka Barcelona kali laga soo qaatey Lionel Messi.

Dhanka horyaalka Premier League ayaa waxaa ka yimid, ciyaartoyda kala ah: De Bruyne (City) iyo Hazard (Chelsea), halka Buffon iyo Chiellini (Juventus) ay Serie Talyaaniga ka yimaadeen waxaana Ligue 1 laga soo xushey Dani Alves.

Hadaba, waxaan halkaan hoose ku xusan Shaxda ugu fiicneed Shantii sano ee ugu dambeysay, koobka Champions League:

2016: Buffon; Boateng, Piqué, Ramos, Bonucci; Modri, Kroos, Iniesta; Messi, Griezmann, Ronaldo.

2015: Neuer; Alves, Piqué, Ramos, Alaba; Pogba, Iniesta, James; Messi, Neymar, Ronaldo.

2014: Neuer; Lahm, Godín, Ramos, Alaba; Kroos, Robben, Di María; Messi, Ibra, Ronaldo.

2013: Neuer; Lahm, Thiago Silva, Ramos, Alaba; Bale, Reus, Özil, Ribéry; Ibra, Ronaldo.

2012: Casillas; Ramos, Piqué, Thiago Silva, Lahm; Iniesta, Xavi, Pirlo, Özil; Messi, Ronaldo.

2017:

Iyadoo Muuqaal Ah:

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close