RASMI ” Ashley Williams oo ku biiray kooxda Everton+SAWIRRO

Kooxda ka dhisan magaalada Liverpool ee Everton ayaa lasoo wareegtay daaficii naadiga Swansea City ee Ashley Williams.

Kabtankii naadiga Swansea City ayaa kooxdiisa cusub qallinka duugay heshiis saddex sanno sida lagu xaqiijiyay war kasoo baxay kooxda.

Kooxda Everton ayaa xiddigan u aragta badelka rasmiga ah, xiddigii ku biiray naadiga Man City ee John Stones.

Sikastaba xiddiga reer Weles ayaa siddeed sanno kusoo qaatay kooxda Swansea City, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanahay ku biirista naadiga Everton.

 

Related Articles

3 thoughts on “RASMI ” Ashley Williams oo ku biiray kooxda Everton+SAWIRRO”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close