RASMI: Blaise Matuidi oo ku biiray kooxda Bianconeri

Kooxda Juventus ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtey xiddiga khadka dhexe uga ciyaarayay Naadiga Paris Saint-Germain ee Blaise Matuidi, oo ay kasoo bixiyeen €20m.

Xiddigaan caalamiga ah ee dalka Faransiiska ayaa caafimaadka maanta maray iyadoo haatan si rasmo ah loogu dhawaaqay heshiiska matuidi.

Wargeyska foobull news waxay ku dhawaaqaysaa inay la heshiiyeen Paris Saint-Germain oo ay kasoo qaadatay Blaise Matuidi oo heshiiskiisa lagu dhameeyay € 20m oo la kala bixin karo 3 kal-dhaqaale,” ayaa lagu dhigay webka rasmiga ah ee Bianconeri.



Matuidi ayaa Juventus kula joogaya qandaraas 3 sano ah tan iyo Juunyo 30 2020, isagoo qaatay numberka 14-aad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close