RASMI: Cabdikariin Cabdala Qubaaye oo iskaga tagay kooxda Dekeddafc.

Xidiga u ciyaara kooxda Dekkeda ee Cabdi kariim Cabdala Qubaaye ayaa gabi ahanba isaga dhaqaajiyay kooxdiisa Kadib markii uu shegeey in isfaham waa uu soo kale dhax-galay isaga iyo maamulkiisa.
Qubaaye ayaa Dekedda kaga soo biiray kooxda Horseed xidigan ayaa kooxdiisa Dekedda ka caawiyay in ay sanadkii la soo dhaafay ineey horyaalka ku guuleysto mudo 19-sano kadib.
Dekedda ayaa horey waxaa ugu dhaqaajiyey xidigo laf dhabar u ahaa oo ay kamid ahaayeen Cabdicasiis Catoosh iyo Axmed Xasan Macaani.
Ugu dambeyn maanta waxaa ku dhawaaqay in kooxda uu ka dhaqaajiya xidiga la yiraahdo Abdi kariin Qubaaye oo aan ilaa iyo haatan cadeen kooxda uu ku biiray.
Xidigan ayaa cadeyay inuu ka tagay kooxda isago u mahad celiyay taageerayasha kooxda iyo Maamulka Naadiga wuxuuna yiri ‘‘waxaan la soo qaatay waqti fiican kooxda Dekedda waxeyna ii ahaan doonta xasuus aan ka dhaamaan qalpigeyga waan ku mahad celinaa waqtigii aan lasoo shaqeeyay maamulka kooxda iyo taagerayaasha Dekedda’’.

W/Q:  cabdifitaax nani

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close