RASMI: David Moyes oo loo magacaabay tababaraha kooxda…

David Moyes ayaa loo magacaabay shaqada tabababaranimo kooxda ku ciyaarta garoonka Stadium of Light, sida lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay kooxda.

Tan iyo markii laga ceyriyay shaqada kooxa Man United bishii April 2014 ayaa Moyes, waxa uu kusoo laabtay horyaalka Premier League.

Moyes ayaa saxiixay heshiis afar sanno ah oo uu ku leylin doono kooxda ku ciyaarta garoonka  Stadium of Light ee Sunderland.

“ Waxaan ku faraxsannahay in aan soo dhaweyno macallin  David Moyes, waayo waa macallin weyn,waxaana rajeyneynaa in uu meel wanaagan geyn doono kooxda ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kooxda bisadaha lagu naaneyso.

Sikastaba  David Moyes  ayaa lagu badelay booska macallin Sam Allardyce, kaasoo loo magacaabay shaqada xulka Ingiriis-ka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close