RASMI: Eden Hazard Oo Kevin De Bruyne Ku Garaacay Xidiga Belgium Ugu Fiican

Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa loo magacaabay xiddiga ugu wanaagsan dalkiisa Belgium sannadka 2017, isagoo ku garaacay abaalmarintaan xiddigaha Kevin De Bruyne iyo Dries Mertens.

Hazard ayaa ka saramaray 11 cod De Bruyne oo helay 326, halka Mertens uu ka dambeeyay 56-cod, iyadoo weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku uu ku dhameystay kaalinta afaraad ee cod bixinta.

De Bruyne ayaa ku guuleystay abaalmarintaan labadii sanno ee ugu dambeysay, waxaana kubadsameeyaha City oo kujira qaab cayaareed sarre silama filaan ah ugu garaacay abaalmarinta Hazard.

Si kastaba ha ahaatee, Hazard ayaa xafladdii xalay uruursaday dhibcihii ugu badnaa, iyadoo 27 jirkaan uu si weyn ugu mahadceliyay dhamaan dadkii u codeeyay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close