Rasmi: Finalka tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

Finalka tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir oo lagu balasanaa in uu maanta oo kahmiis ah la soo gaba gabeeyo ayaa dib loo dhigay.

Sababta ugu weyn ee finalka dib loo dhigay ayaa lagu sheegay in ay tahay in Finala laciyaaro xili habeen ah,waxaana la xaqiijiyay in iminka lagu guuleestay in garoonka lagu xero nalal,balse ciyaar tijaabo ah caawa lagu ciyaari doono,kadib hadii lgu guuleesto in la ciyaaro xili habeen ah la ciyaari doono.

Gudoomiyaha ciyaaraha gobolka Banaadir,Xasan Aadan Xaaji yabarow Wiish ayaa goor dhowed u xaqiijiyay laacib.so in kulanka finalka ah dib loo dhigay.

Gudoomiye yabarow Wiish,waxa uu sheegay in ay doonayaan in xili habeen ah la ciyaaro ciyaarta finalka ah,isla markaana uu qorshahaas hada maraayo heer gabo gab ah,caawana garoonka ay ku ciyaari doonaa laba kooxood oo ka mid ah degmooyinka tartankan ka qeyb qaatay.

Degmooyinka Hodan iyo Waabari ayaa ku balasan finalka tartanka kubada cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana la xaqiijiyay in ay habeen dambe ay ciyaarta dhici doonto hadii uu allah imdo.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close