RASMI: Kooxda Barcelona oo war aan lagu farxin kasoo saartay xaaladda caafimaad ee Messi

Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Barcelona ayaa wa rasmi ah kasoo saartay xaaladda caafimaad ciyaaryahanka reer Argentina ee Lionel Messi.

Taageerayaasha Barcelona ayaa ka war sugayay xaaladda dhaawac ee xiddigan markii uu kasoo tagay xulkiisa, xilli la marsiiyay tijaabada caafimaadka.

Qoraal kasoo baxay kooxda Barcelona ayaa lagu xaqiijiyay in xiddigan uu wali la dhibaatoonayo dhaawac muruqa gaar ahaan lugtiisa bidix.

“ Messi waxaa uu wali la dhibaatoonayaa dhaawac muruqa ah, si uu caafimaad dheer u sii dareemo waa in uu ka nastaa tababarka ayaa lagu yiri qoraalkii Barcelona kasoo baxay.

Sikastaba Messi ayaa la filayaa in uu seego kullanka sabtiga ay kooxdiisa la ciyaari doonto naadiga Alaves, ciyaar ka tirsan horyaalka Spain.

Related Articles

6 thoughts on “RASMI: Kooxda Barcelona oo war aan lagu farxin kasoo saartay xaaladda caafimaad ee Messi”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close