Home » Falanqeynta » RASMI: kulanii saaxiibtinimo u dhaxeeyay Xulka Qaranka iyo kooxda Banadir Sports Club oo baaqday, SABAB?…….

RASMI: kulanii saaxiibtinimo u dhaxeeyay Xulka Qaranka iyo kooxda Banadir Sports Club oo baaqday, SABAB?…….

Waxaa si rasmi ah u baaqday kulankii saaxiibtinimo u dhaxeeyay Xulka Qaranka iyo kooxda Banadir Sports club kaasoo lagu balansana in ay bari kuwada ciyaaran garoonka Jaamacadaha ee Dagmada Hodan.

Kulanka ayaa sugayay taageerayal badan kuwaaso rabay ineey arkan qaab ciyaareedka xulka Qaranka Soomaaliya.

Xulka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay wuxuu iskugu diyaarinaya ka qeyb galka Tartanka Chan oo ah tartan ay ka qeyb galan xiddigaha aan wadankooda ka bixin oo horyaalkooda ku sugan.

Ocean Star ayaa la balansan koonforta Sudan kulan ka dhacay wadanka Sudan tartanka ayaa ah mid laba lug, Xulka Soomaaliya waxaa guri u ah wadanka Jabuuti ciyaarta ugu horeysa waxeey dhici doonta bishan April marka ay ku beegan tahay 23-keeda oo ku aadan maalin jimca ah.

Xulka ayaa wuxuu ka duwan yahay xulalkii mudooyinkii ugu dambeeyay ka qeyb galayay tartamada kala duwan oo xulka ciyaarayay waxaana sanadkan ka soo muuqanaya xiddigo aan waligood matalin kuwa oo bandhig wacan ku lahaa horyaalka haatan hakadka ku jira waxaana kamid ah Baanuu oo ka tirsan kooxda Banadir Sports Club, Daandii oo qeyb ka ah daafacyada kooxda Jeenyo iyo Mahad Cali beery oo ka tirsan kooxda Heegan iyo xiddigo kale oo xulka ku Cusub.
Xulka ayaa ka amba bixi doona maalinta arbacada ay taariikhda ku beegan tahay 19-ka bishan iyagu ku seejeda wadanka dhawaan loo aqoonsaday inuu yahay dal goone isu tag ah.

BY: cabdifitaax NANI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*