RASMI: Zidane Oo Magacaabey Liiska Xidigaha Real U Dheeleysa Kulanka manta

Tababare Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda uu ku wajahi doono maanta kooxda Villarreal waxaana isbuucii labaad liiska iska waayay Dani Cabellos iyadoo aysan jirin dhibaato uu qabo.

Xidigaan reer Spain wuxuu xagaagii laga soo gudbay kaga soo biiray dhanka iyo kooxda Real Betis – nasiib xumo lama safrin kooxdiisa kulankii ay 2-2 la galeen Celta Vigo.

Dhanka kale kabtan Sergio Ramos ayaa dhaawac uga maqnaanaya kooxdiisa tan iyo bilowga February sidoo kalana Karim Benzema ayaa kula mideysan liiska ciyaartoyda dhaawaca ah – taasoo keentay in Borja Mayoral uu liiska nasiib u yeesho inuu kasoo muuqdo.

 

Dani Carvajal ayaa dib ugu soo laabtay liiska ciyaartoyda Los Blancos kadib markii uu ganaax ku seegay kulankii Celta Vigo – xidigaan heerka caalami wuxuu 45-daqiiqo ciyaaray kulankii Numancia ee wareega 16-ka Copa del Rey.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Navas, Casilla, Moha; Carvajal, Vallejo, Varane, Nacho, Marcelo, Theo; Casemiro, Kroos, Modric, Isco, Kovacic; Asensio, Cristiano, Bale, Lucas Vázquez, and Mayoral.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close