Rasmi macalin cabdi joon ula Wareegay Shaqada Tababarenimo ee kooxda Elman

Xidigii hore ee xulka Qaranka dalkeenna Soomaaliya Cabdi-weli Maxamuud Cabdi Joon ayaa waxaa uu si rasmi ah ula wareegay shaqada macalino ee kooxda Kubbadda Cagta ee Elman Horyaalka Dalka somaliya.

Tababarihii hore ee kooxda Dekadda iyo Horseed ayaa wuxuu shaqada Dekadda Banneeyay Billowgii xagaagan, waxayna kooxdaasi beddelkiisa u magacaawday macalin Yuu Cali.

cabdi joon Elman horay ayuu ugu soo ciyaaray macallin Cabdi Joon, wuxuuna kooxda kula guuleystay isagoo ciyaaraya 2 Koobka Janaraal Daa’uud ah iyo 1 Horyaalka Dalka somaaliya ah, wuxuuna hadda rajo wanaagsan ka qabaa in uu kooxda ku hoggaamin doono Koobab kale isagoo Tababare ah.

Wuxuu shaqada ka beddelayaa ninkii kooxdan hoggaaminayay ee Robert Mayanga oo Elman kusoo celiyay waddadii Guulaha, isla markaana lahaa inta badan Sababta ay kooxdu hadda Kaalimaha ugu Sarreeya uga jirto Horyaalka dalkeena soomaaliya.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close