RASMI: Macalinka PSG Oo Magacaabay Liiska Ciyaartoyda U Dheeli Doonta Kulanka Real

Maamulaha naadiga kubada cagta PSG, ninka lagu magacaabo Unai Emery ayaa wuxuu soo doortay liiska ciyaartoyda udheeli doonta kooxdiisa kuwaasoo ka kooban 24 wiil, kulanka uu Real Madrid wajahayo.

Liiskaan uu soo ku dhawaaqay ninkaan reer Spain ayaa waxaa kasoo muuqday ciyaaryahano waa weyn, kuwaasoo ay kamid yihiin Neymar, Cavani iyo kuwa kale, waxaana uu umuuqdaa mid guul kusoo tashtay.

Thiago Motta, oo udhashay wadanka Talyaaniga, islamarkaana Khadka dhexe ka dheela, ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday shaxdaan, waxaana uu yahay dhankiisa, mid ka hortegi doono Boqorada horyaalka dalka Spain.

Laakiin, liiskaan waxaa kamid ciyaaryahanka lagu magacaabo Lass Diarra, kaasoo kamid ah laacibiinta ay ku tashato kooxda awooda ku haysata dalka Faransiiska, oo ay leeyihiin Maalqabeenada reer Carbeed

Hoos Ka Arag Liiska Ciyaartoyda PSG oo dhameystiran:

Areola, Trapp, Alves, Meunier, Silva, Marquinhos, Kimpembe, Kurzawa, Berchiche, Verratti, Lo Celso, Rabiot, Draxler, Pastore, Diarra, Di María, Mbappé, Neymar, Cavani.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close