RASMI: Xiriirka Kubada Cagta EPL Oo Go’aan Kasoo Saaray Anshax Xumadii Uu Conte Sameeyay

Tababaraha Chelsea, ee Antonio Conte, ayaa waxaa lagu ganaaxay inuu bixiyo lacago aad u badan, kadib markii uu qirtay inuu anshax xumo uu sameeyay kulankii ay badiyeen todobaadkii lasoo dhaafay kii ka horeeyay naadiga Swansea.

Lacagta lagu ganaaxay Conte ayaa waxay gaareysaa  £8,000 Malyuun oo lacagta Ingiriiska, iyadoona ficilka uu sameeyay ay ahayd inuu uhogaansami waayay amarka garsooraha kulankaas, isagoona laga saaray guud ahaan kulankaas.

Macalinkaan Talyaaniga udhashay ayaa waxa uu sameeyay ficilkaan qeybta koowaad ee kulankii Swansea City, markaasoo ay kusoo badiyeen 1-0, iyadoona kulanka kadib uu Conte ka bixiyay arinkaas raali gilin.

Isagoo la hadlayay wariyaasha kadib kulankaas, ayaa waxa uu xaqiijiyay inuu aqbali doono, xukun walba oo ku dhaca, waxaana isagoo fariin udiriyay garsoorihii kukanka ka saaray oo ahaa Neil Swarbrick, uu yiri:

“Waxaa rabaa in garoosaha uu wax ka barto shilkaan – Aniga ahaan Swansea, waxay lumisay waqtiga – Xaaladahaan oo kale, waxaan filayaa in garsooraha uu ka hortago kooxda badineysa iyo kooxda dheeleysa,” ayuu sii raaciyay.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close