Xirirka UEFA Oo Ka Ganaaxay Dani Carvajal Lugta Koowaad Ee Wareega 16 UCL & Sababta

Guddiga anshaxa wanaaga ee xiriirka kubada cagta Yurub ee loo yaqaan UEFA, ayaa waxay ka ganaaxeen laacibka Real Madrid, ee Dani Carvajal, in uusan kasoo muuqan lugta koowaad ee wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Go’aankaan ayaa waxa uu daba socdaan kii horey looga ganaaxay kulankii Dortmund, kadib markii uu wiilkaan Garsooraha ka dafay Calaamada Jaalaha kulankii ay Champions League, ku wajahday Real, dhigeeda APOLEA, bishaan.

Sikastaba, go’aan ayaa la sheegay in la qaatay kadib markii la arkay qodobka 15aad, ee xeerka anshax wanaaga ee UEFA, kaasoo la tilmaamay ciqaabtiisu ay tahay in marka laa ganaaxo hal kulan kadib lagu soo rogi karo ganaax kale.

Carvajal, ayaa sikastaba, waxa uu noqon doona ciyaaryahanka kaliya ee Real Madrid, la ganaax-naan doona lugta koowaad ee wareega 16-ka ee Champions League, kaasoo aanan wali la sameyn, waxaana la filayaa in la sameeyo Isniinta.

Laakiin, wiilkaan reer Spain, ayaa waxa uu kusoo laaban doonaa shaxda Real Madrid, lugta labaad, isagoona xiligaas ka qeyb qaadan doono dalaalada uu macalin Zidane ugu jiro, inuu ku difaacdo sanadkaan Champions League.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close