RASMI: Zidane Oo Shaaciyay Liiska Ciyaartoyda Diyaarka U Ah Inay Wajahaan PSG Kulanka UCL

Hogaamiyaha Real Madrid, ee Zidane, ayaa wuxuu ku dhawaaqay Liiska 24-ka ciyaaryahan ee taamka u ah inay wajahaan PSG, kuwaasoo ay la dheeli doonaa Habeen dambe oo Arbaco ah, kulan Champions League, ka tirsan.

Liiska ciyaartoyda ee uu Zidane ku dhawaaqay ayaa waxaa kasoo muuqday dhowr ciyaaryahano, kuwaasoo uu isleeyahay waxay ku fulin karaan qorshahiisa, kaasoo uu horey usheegay inuu yahay guul

Zidane ayaa wuxuu kusoo daray liiska ciyaartoydiisa BBC leysku dhoho, kuwaasoo afka hore ka dheela, waxaana sidoo kale kasoo muuqday Liiskaan oo ka kooban 24 ciyaaryahan kabtan Sergio Ramos.

Dani Carvajel, ayuu Zidane uyeeray, inkastoo ganaax uu ku seegi doono ciyaartaan, waxaaan muuqata inuu yahay daafacaan reer Spain, mid boos-buuxis ah, maadaama uusan dheeli doonin.

Hoos Ka Arag Liiska Ciyaartoyda Real

Keylor Navas, Kiko Casilla, Luca Zidane, Dani Carvajal, Achraf Hakimi, Nacho, Sergio Ramos, Raphael Varane, Jesus Vallejo, Marcelo, Theo Hernandez, Casemiro, Marcos Llorente, Toni Kroos, Luka Modric, Mateo Kovacic, Dani Ceballos, Marco Asensio, Isco, Lucas Vazquez, Gareth Bale,Ronaldo, Karim Benzema and Borja Mayoral.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close