Rasmi:Kooxda Heegan Oo Lasoo Wareegtay Xiddigo Muhiim Ah

Kooxda kubbadda cagta booliska ee Heegan ayaa xaqiijisay in ay lasoo wareegeyn cayaartooydii hore kooxaha Elman iyo Dekedda kuwaas oo xagaagii tagay hantay horyaalka iyo koobka koobabka Jeneraal Daa’uud sanad cayaareedkii tagay 2016-2017

Kooxda Dekedda ayaa 19-sano ka dib hanatay horyaalka heerka kowaad ee dalka dhowr xiddig ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka tagay,balse Xasan Siidow Hilowle waxa uu ka mid ahaa daafacyadii doorka wacan kulahaa naadiga Dekedda kol cayaareedkii hore,waxayna Heegan dib ula midoobey xirfadyahankii hore kooxaha Dekedda iyo Jeenyo C/Casiis Maxamed Catoosh oo Heegan ku biiray bishii August Sanadkii Tagay 2017

Xasan Cali Rooble (Ba’baay) ku dhawaad 19-sano ayuu ahaa cayaaryahan Elman,isagoo Sanadkii tagay kooxdiisii hore Elman gacanta u geliyay Koobabka Jeneraal Daa’uud iyo Somali Super wuxuuna hada soo caga dhigtay Heegan,isagoo macalin u ahaa kooxda Galmudug oo ka qeyb gashay tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banadir 2017

Wararka kale ee kasoo baxay koxodan waxa ay tibaaxayaan in kabtanka cusub ee xagaaga 2018-2019 tartamada uu yahay kubbadd sameeyihii hore kooxaha Dekedda iyo Jeenyo C/Casiis Maxamed Catoosh wuxuuna booskaas ka badaly hogaamiyihii hore Heegan Jabriil Xasan Fariid oo hada ku sugan Turkiga

“waxa aan kooxda Heegan kusoo dhawaynaynaa xidigaha muhiimka ee nagu soo biiray waxa ay astaan u yihiin kubbadda cagta dalka anaga maamul ahaan waxaa naga go’an in aan horomino cayartooyda kooxdeyna si ay ustaalo ugu noqdaan jiilka cusub ee soo koraya

Naadiga boolsika Heegan ayaa horyaalka heerka kowaad ee Somali Premier League hanatay kol cayareedkii 2014-2015 waxaana xiligaa u qaaday tababare C/Raxmaan Cumar (Gadaamow)

 

 

W/Q:Maxamed Xuseen Qalinle

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close