RASMI:kulanki derbiga ee Banaadir Sport iyo LLPP Jeenyo oo soo gabagaboobay goordhow maxuusa kusoo idlaaday ?

IMG_B4C89C-A31E52-1456F8-91008A-6553EB-D4D4C5

Waxaa hada soo dhamaatay Cayaartii Xiisaha badnayd ee u dhaxaysey kooxaha kala ah Banaadir Sport iyo LLPP Jeenyo waxaana ay guushu Raacday Naadiga Banaadir oo ku badisay 2-0

Dad badan ayaa aaminsan in Cayaartaan uu Saamayn weyn ku lahaa Garsoore Xasan Wiish kadib markii uu Calaamada Casaanka ah siiyey Cayaaryahan u dheela Naadiga Jeenyo oo lagu magacaabo Daandii kaas oo aan gelin qalad sidaa u weyn.

Cayaartaan ayaa Waxa ay ka duwaneyd dhamaan Kulamdii lasoo dhaafay ee Horyaalka Soomaaliya maadaama ay dheelayeen Kooxo kawada dhisan hal degmo oo ah Warta Nabada Waxayna ahayd mid aad u adag.

Kulankaan waxaa kaloo kasoo qayb galay dadkii ugu badnaa ee daawaday Kulamada Horyaalka Heerka koowaad waxaase taageerayaasha Jeenyo eeda ugu Weyn Saarayaan Wiish oo dhibcihii siiyey Banaadir Markii uu bixiyey Roose qalad ah Cayaarta oo maraysa 0-0.

Garsoore Wiish oo mar ahaan jirey kan ugu fiican Soomaaliya ayaan inta badan loo dhiibin Cayaaraha Waa weyn kadib markii uu dhawr jeer kasoo bixiyey Waajibaadka looga Baahanyahay Garsoore Cayaar qabanaya Waxa uuna ku dhacay orodka Tijaabada ah ee laga qaado Garsoorayaasha inta aan loo dhiibin Cayaar.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close