Raysul-wasaarihii Dowladii KMG Prof Cali M Geedi oo tartan minifootball taariikhiya ka furey D/X/jajab +DAAWO

Waxaa garoonka Minifootball degmada X/jajab si rasmiya uga biloowdey Tartankii horyaalkii nabadda ee minifootball degmadaasi,kaasi oo ay soo agaasimeen masuuliyiinta xiriirka Somali minifootball SOMFA oo kaashanaya Maamulka degmada X.jajab.

Tartanka oo ay ka qeybgalayaan ilaa 36-kooxood ayaa waxaa Furitaankii kasoo qeybgalay masuuliyiintii ugu sareeysay ee tartan Minifootball isugu timaada Gobolka banaadir, waxaana kamid ahaa Reysul-wasaarihii hore ee Dowladii KMG Prof Cali Maxamed Geedi, Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cismaan Aaden Dhuubow, Gudomiyaha Olombikada Gobolka Banaadir Xasan Aden Xaji yabarow, Gudoomiye ku-xigeenada xiriirka SOMFA, Yaasin Cariif iyo Legend Cabdul Xaq, Xoghayaha SOMFA Haji Aden Abdulle, Macalinka Qaranka Osman Maye Iskot,Gudoomiye ku xigeeenkaMaxkamadda Sare, Xildhibaan Maxamuud Geedi, Legends hore Kubadda cagta& Koleyga heer Qaran iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka banaadir qaar katirsan.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigey dhamaan kooxaha tartanka ka qeybgalaya oo diyaarsan,iyadoo halkaa qudbado kala duwan ka jeediyeen inta badan Madaxda gaar ahaan Gudoomiyaha maamulka deg X/jajab Cismaan Axmed Dhoore, Xoghayaha SOMFA Haji Aden, Gudoomiyaha Olympikada G Banaadir Hassan Wiish, Gudoomiye xigeenada SOMFA, wasiir ku xigeenka, Xildhibaan Geedi iyo ugu danbeyntii Prof Cali Maxamed Geedi oo hadalo qiiro leh oo horumarinta bahda Sportiga gaar ahaan xiriirka Somali minifootball ka jeediyey,isagoo ganacsatada iyo Dowladda ku tirtirsiiyey ineey xiriirkan oo kuhowlan bad baadinta jiilka soo koraya taageeraan.

C/Xafiid C/samad Zaciim

SOMFA Media Officer

????

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close