Real Ma Badin Doonto Caawa Hadii Uusan Zidane Sameyn Halkaan Ficil Oo Laga Yaabo Inuu Ku Dhaqaaqin

Maamulaha Real Madrid ninka lagu magacaabo Zidane ayaa wuxuu caawa mar kale wajihi doonaa Tijaabo mida ugu adag oo ah inuu Madrid hogaamiyo kulankii ugu horeeyay ee Koobka Champions League, iyadoona la oksoon yahay inuu Bareejo galay kulamadii ugu dambeeyay ee Horyaalka.

Macalinkaan ayaa wuxuu sheegay in wax waliba ay lee yihiin waqti wuxuuna sheegay in guusha ay imaan doonto, Xilliga ay ku mudeysan tahay isagoona tagaeerayaasha Los Blancos ka codsanaya inay muujiyaan Sabar, kaasoo uu sheegay inuu muhiim yahay.

Balse, Zidane ayaa wuxuu wajahayaa dhaleeceymo badan kaasoo ah inuu isbedal badan uu sameeyo iyadoona ay ciyaartu socoto, waxaana kulankii ugu dambeeyay gaara ahaan kii Real Sociedad, isagoona shaxda marar badan bedbedlay, waxaana ay keentay inuu Bareejo gallo.

Related image

Hadii Tababarahaan uu isla caawa kulanka ay Champions League ka dheelayaan uu sameeyo Ficiladdaan oo kale ayaa waxaa dhici karta  inuu guul uu sooqaato iskaba daayee uu wehel u noqon karo Guul darro, waxaana looga digay inuu shaxda garoonka ku dhexbedallo.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close