Real Madrid iyo Barcelona oo ku dagaalamaya saxiixa Andre Gomes

Laacib.so Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku loolamaya soo xero galinta garab laha naadiga Valancia ee Andre Gomes sida laga soo xiganayo As.

Los Blancos ayaa xiiseeneysa saxiixa xidigaani kadib markii ay ku hungoowday soo xero galinta Khadke dhexe ee juventus Paul Pogba,kaa oo kusii dhawaanaya ku biirista Man Utd .

Laacibkani ayaa xulkiisa u saftay koobka Euro 2016 oo lagu qabtay dalkaasi France,waxana uu bar-tilmaameed u aha kooxaha kala ah Juventus iyo Chelsea.

Real Madrid ayaa dooneysa in xidigaani ay ku xoojiso khadkeeda dhaxe,balse waxa ay loolan adag kala kulmeysa dhigeeda Barcelona oo ayada dhankeeda xiiseyneysa.

Los Che ayaa dhigeeda Valancia usoo bandhigtay qiima lacageed gaaray 65 million oo Euro si xidigani ay u hesho,balse waxa ay loolan adga kala kulmeysa kooxa xidigani baadi goobaya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close