Real Madrid maxay ka tiri eedaymaha sheegay in C.Ronaldo uu lunsaday Canshuuro .

Real Madrid ayaa soo saartay warbixin ay  ku difaacayso  ciyaaryahankeeda  reer Portuqal ee C.Ronaldo cashuur lunsiga lagu eedeeyay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa lagu dabaacayay 12 wargeysa oo yurub ah, C.Ronalo  ayaa lunsday cashuur lagu qiyaasay  150 milyan oo euros oo lagarabay   inuu bixiyo inta u dhaxeysa 2012 ilaa 2022 waxaana la sheegay inuu shirkado been abuur ah masuul uga dhigtay hantidiisa si uu uga baxsado cashuuraha qaaliga ah ee dalka Spain.

Gestifute, shirkada masuulka ka ah adeegyada Ronaldo oo uu leeyahay wakiilkiisa Jorge Mendes, ayaa todobaadkii hore soo saartay warbixin ay ku cadeynayso cashuur bixinta Cristiano waxaana haatan raacay kooxdiisa oo warbixin ka soo saartay arintan.

Warbixinta Real Madrid ayaa sidan u qorneed oo lagu so daabacay boga rasmiga ah kooxda “Kadib warbixinadii maalmihii u danbaysa la daabacayay iyo kadib markii aan aragnay warqada cadeynta cashuur bixinta ah ee ay soo daabaceen xafiiska cashuuraha, taasoo cadaynaysa in ciyaariyahan Cristiano Ronaldo, uu si buuxdo uga war hayo una ilaaliyo waajibaadkiisa cashuur bixinta, Real Madrid waxay dalbanaysa in xushmada ugu weyn in loo muujiyo ciyaaryahan sida Cristiano Ronaldo oo kale ah, kaas oo hab-dhaqankiisu yahay mid lagu daydo uuna soo ahaa dhamaan wakhtigii uu joogay kooxdayada

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa iso tarayay warka sheegay canshuuro uu lunsaday C.Ronaldo oo ah mid kamid ah ciayaryahanada loogu jecelyahay kubadda cagta caalamka uguna taageeraha badan balse warbixin kooxdiisa ayaa waxkama jiraan ka dhigaysa eedaymihii loo haystay .

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close