Real Madrid Oo James Rodríguez Ka Iibineysa Kooxaha Horyaalka Premier League ,Waa Kooxdee?.

Weerar yahan James Rodríguez ayaa si weyn loola xariirinayaa in uu xagaagaan ka tagayo kooxda Real Madrid xilli ay jiraan kooxo kala duwan oo baadi goobaya saxiixiisa.

Haatan , saxaafadda Spain ayaa sheegeysa in Real hadiiba ay iibinayaan James Rodríguez ay door bidiyaan in ay u diraan kooxda Man United ee horyaalka Ingiriiska.

Tan iyo markii macalin Zidane uu qabtay kooxdaas waxa uu laacibkaan reer Colombia ka sheeganayaa kulamada kooxda oo ku yar iyadoo labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay uusan ku tiirsaneyn macalinka.

Laacibkaas hore Monaco ayaa kooxaha doonaya waxaa kale u oo ku jira Chelsea,Munich iyo Liverpool.

Diario Gol oo Spain laga leeyahay ayaa sheegeysa in madaxa Real ee Perez go`anasaday in laacibkaas ka iibiyaan Man United

Sababta arintaas u sameynayaan ayaa ah in United ay ka helaan goolhaye De Gea kaasi oo ay muddo baacsnayeen waxa ayna doonayaan in laacibkaas reer Colombia ku daraan hishiiska ay ku doonayaan De Gea.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close