Real Madrid Oo Sheegtay Inay Meel Saari Doonto Bayern Munich Tartanka Champions League

Kadib qori tuurkii tartanka koobka horyaaladda yurub ii sbucii tagay la sameeyey , kooxda real Madrid ayaa ku dhacday naadiga reer Germany ee Bayern Munich oo la sheegayo inay tahay koox adag marka loo eego wareega Siddeed dhamaadka tartanka Champions League, Real Madrid  ayaa go’aansan doonta natiijada xaqiiqada sida ay tahay, waxayna doonayaan in si walboo ay ahaato ay kasoo gudbaan dhigooda  Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu tiriyaa inay qeyb ka tahay kooxaha ugu waaweyn ee qeybta ka ahaa isku aadkii laga sameeyay wareega Siddeed dhamaadka tartanka Champions Leagu, sababa la xidhiidha guuihii waaweynaa ay kasameysay tartankan, xili sidoo kale ay kooxda ku sugan yihiin xidigo muhiim ah ee u dhigma kuwa ku sugan Real Madrid.

Dhinaca kale xidigaha qeybta ka ah kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u arkaan isla markaana ay aaminsan yihiin in kulanka Bayern Munich uu kaga dhigan yahay kulan final ah, iyadoo qolka labiska kooxda Los Blancos laga soo sheegayo rajo ku aadan inay guul weyn ka gaadhi karaan kooxda Bavarianka. Sidoo kale xidigaha kooxda Real Madrid ayaa waxay dhanka kale qireen in dadaal xoogan ay ku bixin doonaan sida ay guul kaga gaadhi lahaayeen Bayern Munich, iyaga oo ka war qaba in kooxda Bavarianka aysan ahayn koox sahlan.

Si kasta Real Madrid oo xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay lagu durayay in ay dariiq sahlan u soo marto Champions Leaque-ga ayaa sideed dhamaadka Champions Leaque-ga la ciyaari doonta kooxda Bayern Munich. Mana ahan markii ugu horeysay ay labadan kooxood kuwada kulmayaan tartankan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close