Real Oo Santiago Bernabeu Ku Dubatay Dortmund Iyo CR7 Oo Rikoor Kusoo Kordhiyay UCL

Kooxda difaacaneysa tartanka Champions League ee Real Madrid, ayaa waxay kaga badisay garoonkeeda Santiago Bernabeu, dhigeeda Dortmund, kadib markii ay la dheeshay kulan ka tirsan koobka koowaad ee Yurub.

Kulankaan oo ka dhacay caasimada wadanka Spain, ayaa waxa uu kusoo dhamaaday daqiiqadii loogu talagay 3-2, waxaana goolasha ku horeysay Madrid, iyadoona uu dhaliyay laacibka lagu magacaabo Mayoral, daqiiqadii 8aad.

Daqiiqado kadib;- gaara ahaan daqiiqadii 12-aad, Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu dhaliyay goolkii labaad ee Los Blancos waxa uuna sidaas ku noqday laacibkii ugu horeeyay oo Lixda kulan ee wareega Group-yada UCL gool dhaliya.

Ka hor inta aysan soo dhamaan qeybta koowaad, ayaa waxay iska soo guday Dortmund, kadib markii uu daqiiqadii 43aad uu shabaqa soo taabtay laacibka Aubameyang, waxaana sidaas kusoo dhamaatay qeybta koowaad.

Markii dib leyskugu soo laabtay ayaa waxay sameeyeen labada kooxood, dadaal badan:- waxaaan Real ay dooneysay gool sadexaad halka Dortmund, ay dooneysa inay iska soo gudo goolka lagu leeyahay.

Ugu dambeyn, Dortmund, ayaa heshay goolka bareejada waxaan udhaliyay Aubameyang, iyadoona uu ka dhigay 2-2, laakiin waxay sii socotay ciyaarta Los Blancos, ayaa hogaanka kusoo laabatay.

 

Daqiiqadii 81, ayaa waxaa goolka guusha udhaliyay Real Madrid, laacibka da’da yar ee Lucas Vasquez, waxaana sidaas kusoo dhamaaday kulanka, iyadoona natiijadaan ay uga dhigan tahay Dortmund, inay ka hartay UCL.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close