RIKOOR: Man City Oo Lacagtii Ugu Badneed Ee Goolhaye Lagu Iibsado Kula Soo Wareegtay Ederson

Kooxda Kubada Cagta Manchester City ee wadanka Ingiriiska ayaa waxa ay lasoo wareegtay Goolhayaha Kooxda Banfica Ederson, kaas oo udhashay wadanka Brazil, kana soo duulay maalinka shaley wadanka Portugal ee kooxdiisu ka dhisan tahay.

City ayaa xiddigaan kula soo saxiixaneysa £35 million, taas oo ka dhigeysa inuu yahay Goolhayihii abid lagu iibsado lacag intaas ah, waxaana uu kalliya ka horeeya Goolhaya Kooxda Juventus Gianluigi Buffon, kaas oo sanadkii 2011-kii, ugu soo biiray Parma £33million.

Mr Ederson ayaa waxaa la qorsheenayaa in lasoo bandigo saxiixiisa maalmaha soo aadan, isagoona haatan ku sugan Magaalladda Manchester ee wadanka Ingiriiska, halkaas oo uu gaaray maalinkii shaley.

Lasoo wareegidda Xiddigaan ee Manchester City ayaa waxaa ay unoqoneysaa Kooxdaan saxiixoodii labaad oo ay sameeyaan Kooxda Sky Blues lagu naaneeso, waxaana ay guul utahay Maamulaha Kooxdaas ee Pep.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close