Riyad Mahrez oo ku soo laabtay Tababarka Leicester City kulanka maanta

Cayaaryahanka  kooxda  kubada cagta ee Leicester City Riyad Mahrez, ayaa la soo warinayaa in uu dib ugu soo laabanayo tababarka kooxdaasi maanta oo  sabti ah kadib maalmo badan uusan soo xaadirin tababarka Leicester City.

Mahrez oo aan tababarka kooxdiisa ka qeyb noqon tan iyo markii uu ku fashilmay ku biirista Manchester City ayaa la xaqiijiyay in uu tababarka kooxda uu soo xaadirayo isla markaana uu diyaar u yahay in uu safto kulanka kooxdiisa ay la cayaari doonto Manchester City maanta

Macalinka Leicester City Claude Puel oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee kulanka Manchester City ayaa xusay in Mahrez uu tababarka kooxda xaadir ku yahay isla markaana uu u diyaarsanyahay in uu ka hor tago kooxda Sky Blue oo habeenkii ugu danbeeyay ee suuqii Janaayo uu ku fashilmay in uu kamid noqdo.

Mahrez ayaa kulankiisii ugu danbeeyay ee kooxda Leicester City  uu ka soo muuqdo waxay ahayd cayaartii kooxdiisa guul 2-0 ah ay gaartay naadiga Watford waxaana kulankaasi uu dhaliyay goolkii ugu danbeeyay ee ciyaartaasi oo yimid daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaartaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in xidiga Algeria uu heshiis iyo balan qaad uu ku bilaabay tababarka kooxdiisa waxaana xidiga la sheegayaa in loo balan qaaday in gabi ahaan kooxda laga fasixi doono xagaaga soo aadan is uu kaga mid noqdo kooxda uu doonayo.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close