Robben oo soo dhaweeyay Ribery dib ugu soo laabashadiisa tababarka buuxa ee kooxda, kuna tilmaamay in uu imaday xilli munaasab ah

Robben rejoices as Ribery resumes Bayern training

Arjen Robben ayaa soo dhaweeyay Franck Ribery kadib markii uu dib ugu soo noqday Bayern Munich, xilli  dhowanahan dhaawac uu garoomada uga maqnaa.

Ribery oo mudo seegay garoomada ilaa iyo bishi December kadib markii uu la dhibatoonayey dhaawac muruqa ah kulan ay 3-1 uga badiyeen Borussia Monchengladbach, lakinse waamid kusoo noqday tababarka buuxa ee kooxda maalinimadii Isniinta aheyd.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa la balansan Bochum maalinimada Arbacada kulan katirsan DFB-Pokal oo ah Quarter Final-ka, halka Bundesliga ay ku aadan yihiin Wolfsburg iyo Borussia Dortmund ee bisha danbe, marka ay ciyaaran lugta 1aad ee Champions League waregiisa 16-ka ay la ciyaaran Juventus.

Robben ayaa sheegay in Ribery uu soo noqon doona waan mid imaan doona waqtigi loo baahnaa, isaga  oo usheegaya FCB.TV: ” Waa arin wanaagan in halkaan mar kale Francky kusoo biiro, waan ubahanahay maxa yeelay waxaa jira bilaha soo socda kulamo culus oo nasoo food saari doona.”

Related Articles

5 thoughts on “Robben oo soo dhaweeyay Ribery dib ugu soo laabashadiisa tababarka buuxa ee kooxda, kuna tilmaamay in uu imaday xilli munaasab ah”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close