Roberto Firmino ,Jesse Lingard iyo Lionel Messi oo kabo isku nuuc ah ku dheeli doona xilli ciyareedka soo socda

Shirkada Samaysa qalabka Sportiga ee Adidas ayaa soo Saartay kabo isku nuuc ah oo ay u Sameeyeen Cayaartoyda kala ah Roberto Firmino,Lionel Messi iyo Jesse Lingard.

Kabaha loo Sameeyey 3 daan Laacib oo ah kuwo Casri ah ayaa lagu Magacaabaa Nemeziz boots Waana kuwo ka duwan kuwii ay horay ugu dheeli jireen horyaaladooda.

Lionel Messi, Roberto Firmino iy Jesse Lingard ayaa kooxaha ay u dheelaan Waxa ay Xayeysiin u sameeyaan shirkada Adidas iyaga laftooda ayaa heshiisyo shaqsi ah kula jira shirkadaas oo Malaayiin doolar ku bixisa Xayeysiinta ay u sameeyaan kooxaha iyo Cayaartoyda Caalamka.

Lionel Messi ayaa kabaha Nemeziz ku dheeli doona Cayaarta Finalka ah ee Copa del Rey kulankaas oo ay ladheeli doonaan kooxda Alaves ee isla dalka Spain.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close