Ronaldo ayaa ku dhagan qolka jiifkeyga” – Kylian Mbappe

Cayaaryahanka da’da yar ee Naadiga PSG ayaa si cad u soo muujiyay jaceylka uu u qabo xiddiga  Real Madrid. Kylian Mbappe ayaa sheegay inuu marwalba ku daydo Cristiano Ronaldo oo ah laacib uu si wayn u taageero.

Wuxuuna sheegay in darbiga qolka jiifkiisa uu ku sharaxay sawirada laacibka Ronaldo waqtigii uu yaraa.

Ronaldo Aad ayuu saamayn iigu lahaa yaraantaydii, saweradiisa ayaa iigu dhagnaa qolka jiifka ayuu yiri Kylian Mbappe.

Waa xiddig aan jeclahay, wuxuu leeyahay xirfad cajiib ah laakiin shaqadii uu qabtay ayaa u badashay inuu noqdo halyeey”.

Kylian Mbappe ayaa ku dhawaaday 2013 inuu ku biiro akadeemiyada Real Madrid markaas oo sawir la galay Cristiano Ronaldo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close