Ronaldo maka tagi doonaa Santiago Bernabeu? Paulo Futre ayaa kaaga jawabaya

http://static.goal.com/di/

Xiddigi hore ee xulka qaranka Portuqal Paulo Futre oo aaminsan in Cristiano Ronaldo uu katagi doona Real Madrid xagaga soo aadan, isaga oo lagu raadinaya qiima kii ugu badnaa ee lagu iibsado ciyaaryahan.

30 jirkaan ayaa lala xiriirinyaa in dib uu ugu laaban doona kooxdisi hore Manchester United ama uu kubiiro kooxda ka dhisan Ligue 1 Paris saint-Germain.

“Waxan rumeysanahay bilihi lasoo dhaafay inay ahaayen kuwa ku adag Ronaldo,” Futre ayaa sida usheegay Marca.

“Waqti ku adag ayuu ahaa. ma uusan  helayn waxa uu hiigsanaya, inkastoo hada waxyar uu ka wanagsan yahay markaas kadib marki uu imaaday Zinedine Zidane.

“Suaasha ugu weyn waxay tahay haddii uu joogaya Real Madrid ama uu aadaya PSG ama Manchester United midkood, balse waxana aaminsanahay inuu tagi doona Madrid, inkastoo jogistiisa Bernabeu ay ku xiran tahay in labadalo waxyaabo badan.

“Waa fursadi ugu danbeysay asaga iyo Jorge Mendes ay kula gorgortami karaan heshiis qarash badan uu ku kici doona oo ka dhaca gudaha Qaarada Yurub.

“Waxay ila tahay hadii Madrid ay ku guuleysato  La liga ama Champions league midkood uu sii joogi doona Ronaldo, balse hadey lumiyaan, waa kuwa uu isaga tagi doona dhamaadka xilli ciyaaredkan.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close