Ronaldo Oo Kashifay Cida Ka Caawisay In Leo & Neymar Uu Caawa Ku Garaaco Ballon d’Or

Ciyaaryahanka naadiga kubada cagta Real Madrid ee Cristiano Ronlado, oo caawa ku guuleystay markiisii Shanaad abaalmarinta laacibka aduunka ugu wanaagsan ee Ballon d’Or, ayaa kashifay cida ka caawisay guushaan uu gaaray.

CR7, oo ka hadlayay munaasabadii uu ku gudoomay biladaan, ayaa waxa uu ka sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin kuwaasoo uu sheegay inay aad uga caawiyaan guushaan uu gaaray.

Wuxuu qiray in la’aantooda uusan waxba ahayn isaga, wuxuuna cadeeyay inuu yihiin kuwa isaga garab taagan mar kasta, wuxuuna balanqaaday inuu iyaga ugudi doono maalin un, abaal—kooda, sida uu yiri.

Wuxuu raaciyay, Ronaldo: “Waan ku farax sanahay inaan ku guuleysto markii Shanaad, abaalmarintaan, waxaaana ay ii tahay caawa habeen qaas ah, waxaaan dareemayaa farxad aad u abadan.

Cristiano Ronaldo wins the 2017 Ballon d'Or

Wuxuu kusii daray hadalkiisa: “Waxaan uga mahadcelinayaa guushaan aan gaaray Saaxiibadeyda iigu kooxda ah, waxaaan leeyahay aad ayaad umahadsan tihiin, sidoo kale macalinkeyga ayaan umahadcelinayaa.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Waxaan sidoo kale, aad u mahadcelinayaa Madaxweynaha kooxdeyda, waxaana ugu mahadcelinayaa dhamaan qof waliba oo idhac istaagay.

Cristiano Ronaldo, ayaa waxa uu ku garaacay abaalmarintaan, laacibiinta kala ah:- Lionel Messi iyo Neymar, kuwaasoo kala galay kaalmaha sadexaad iyo labaad, iyadoona CR7 uu yahay kaalinta koowaad.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close