Ronaldo Oo Shaaciyay Cida Uu U Hibeeyay Jaa’izada Ballon d’Or Oo Uu Markii 5aad Haantay

Laacibka Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa waxa uu qiray in xubnaha qoyskiisa ay yihiin kuwa uu uhibeenayo bilada Ballon d’Or, oo uu ku guuleystay caawa marki shanaad, isagoona ku garaacay Lionel Messi iyo Neymar.

Kadib markii la gudoonsiiyay Jaa’izadaan ayaa waxa uu ka sheegay masrxaha Ronaldo, inuu yahay mid ku aad ugu faraxsan inuu hanto abaalmarintaan, wuxuuna ku tilmaamay inay utahay caawa habeen qaas ah.

Wuxuu yiri: “Madsanidiin dhamaantiina, waxaaan salaamayaa dhamaan martida halkaan caawa joogta, waxaan ahay mid aad u faraxsan waxaana leeyahay saaxiibadeyda kooxda iyo shaqaalaha kooxda waad mahadsan tihiin.

Ronaldo was then joined on stage by his mother Maria Dolores dos Santos Aveiro and son Cristiano Ronaldo Jr

Wuxuu raaciyay: “Waa habeen kale, oo aad uqurux badan, dabcan, aad ayaan ugu farax sanahay inaan hanto, waxaaan aan uhibeynayaa dhamaan xubnaha qoyseyga, waana ay ku mahadsan yihiin sidaa ay ii caawiyeen.

Ugu dambeyn, Ronaldo, ayaa wuxuu sheegay in xidigaha kooxdiisa, ay yihiin kuwa iyaga kaalin fiican ku leh guusha uu gaaray, wuxuuna urajeeyay Real Madrid inay meel fiican ay gaarto sanadkaan.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close