Ronaldo Oo Su’aal Ka Keenay Dareenka Uu Coutinho Uga Soo Dhaqaaqey Barca & Sababta

Xidiga-caanka ah ee Real Madrid udheela ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu su’aal geliyay xikmada uu Philippe Coutinho ugu ku yimid Barcelona aduun lacageed dhan 192 Malyuun oo Dollar-ka Mareykanka, isagoona soo jeediyay inuu ka dambeyn doono Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Imaatinkiisa Barcelona ayaa wuxuu sidoo kale, Ronaldo la wariyay inuu u arko inay kicineyso kooxda reer Catalan waxaana uu dareemayaa inuu buuxin doono booskiisa uu firaaqeeyay Neymar, kaasoo xagaagii lasoo dhaafey Paris Saint-Germain ugu biirey lacago rikoor ah, oo ah inuu ka hooseeyo Messi.

Sida laga soo xigtay Majalada Diario Gol, ee kasoo baxda wadanka Spain, Ronaldo ayaa aaminsan in Coutinho loosoo iibsadey inuu lugtiisa ugu shaqeeyo labada xidig ee ugu muhiimsan Barcelona, islamarkaana uu dhaqdhaqaaqiisa ku daro gooalsha ay iyaga udhaliyaan kooxdooda.

Xidiga reer Brazil ee Neymar oo la fahansan yahay inuu uga tegay Camp Nou, inuu noqdey mid kaliya Barcelona jooga inuu noqdo mid danta qofka kale, fulinaya ayaa Illo wareedyo kala duwan waxay sheegeen in uusan ku faraxsaneen midaas sidaas darteeda uu isaga cararey camaaliqada La Liga.

Inkastoo ay tani jirto, hadana Coutinho ayaa isla isaga wuxuu ka Hadley arrinka ku aadan sida uu Neymar u arko imaansihiisa Barca, wuxuuna yiri: “Waxaan la Hadley Neymar, waxna ma uusan Inihin, laakiin arrintu waxay u wanaagan tahay kooxda, Magaalada iyo qolka labiska.

Hadaladaan laga soo xignayo Ronaldo ayaa waxay imaanayaa waqti xaadirkaan iyadoo Real Madrid ay dhul dheer ujirto marka laga hadlo shaxda kala horeynta ee La Liga, dhigeeda Barcelona waxayna ka hooseysaa dhibcooyin gaaraya 16 dhibcood, iyadoona fadhisa kaalinta 4aad.

Kabtanka Portugal ayaa wuxuu yahay mid qaadanaya xagaagan waqtigiisii ugu xumaaa Taariikhda kadib markii uu dhaliyay 13 kulan oo uu ka dheelay La Liga, kaliya Afar gool, waxayna tahay Abaartii ugu dheereed ee soo marta, inkastoo Champions League kaliya wareega Group-yada ka saxiixay 9 gool.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close