Rooney Oo Magacaabay Weerar Yahankii Ugu Fiicnaa Abid Soo Mara Horyaalka Premier League

Halyeeygii hore ee kooxda kubada cagta Manchester United ee Wayne Rooney ayaa aaminsan in Ruud van Nistelrooy, uu ahaa gooldhaliyihii abid ugu fiicnaa Taariikhda soo mara horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska.

Nistelrooy  ayaa usoo dheelay kooxo kala duwan, kuwaasoo kala ah: Den Bosch, Heerenveen, PSV, Manchester United, Real Madrid, Hamburger iyo Málaga, wuxuuna kasoo jeeda dalka Holland ama Netherland.

Laakiin, laacibkaan ayaa Taariikhdiisa ugu fiican wuxuu ka sameeyay tartamadda Champions League iyo Premier League, wuxuuna yahay midka afaraad ee ugu gooldhalinta badan koobka kooxaha Yurub ee UCL.

Image result for Ruud van Nistelrooy

“Wuxuu ahaa gooldhaliyihii ugu fiicnaa abid aan ku arko Premier League, wuxuuna xitaa dhalin jiray ugu yaraan Shan ama Afar gool [kulan kasta], wuxuuna ahaa mid cajiib ah,” ayuu Rooney usheegay Shabakadda Sky Sport.

“Markii aan joogay xili ciyaareedkii labaad [Man United] wuxuu ahaa mid Isfahan fiican uu kala dhaxeeyay David Beckham iyo Ryan Giggs, xitaa Cristiano Ronaldo,” ayuu hadalkiisa ku daray Rooney.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Kubadaha Karooska ah ayuu aad ujeclaa, wuxuuna ahaa mid marka ay soo ganaa xidigahaan uu ahaa mid shabaqa aanan la gefi jirin, marka Ruud ayaad ayuu Cajiib u ahaa.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close