Ryan Giggs:Kama Harin Antonio Griezmann manchester united

Halyeeyga hore ee kooxda Man United Ryan Giggs ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay wali ku raad joogto saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Griezmann inkasta oo ay Kooxdiisa sheegtay in ayna iibin doonin kadib markii laga soo diiday racfaankii ay ka qaadanaysay suuqa kala iibisga.

xidiga Antoine Griezmann ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda United bilihii ugu dambeeyay xilli ay xitaa jireen warar sheegaya in uu la gaaray heshiiska shaqsiga ah.

Laakiin racfaanka laga diiday kooxda Atletico ayaa dab Ku Shiday Xaaladda kooxda Man United taas oo haatan ku qasban u leexato bartilmaameedyo kale si ay weerarka kooxda ugu xoojiso xagaagan soo adan.

Halyeeyga Kooxda Man United Ryan Giggs ayaa rumeysan in Man United aysan weli ka harin raadintii Antoine Griezmann welina ay suurto gal tahay inuu ku soo biro man united.
Ma aaminsani waxa aan maqlay oo ah in ay sidaa uga hartay beegsiga GriezmannAntonie Griezmann ayaa ah weeraryahanada aad qatar u ah ee haatan jooga horyaalada qarada yurub waxaana uu leeyahay tayo ku filan si uu u noqdo xiddiga ugu fiican caalamka

Sidaa darteed in ay man united sidaa fudud uga hartay ma aaminsani wayna ku laaban doonaan doonitaankiisa marka ay noqotoba”ayuu hadalkiisa ku soo xiray Ryan Giggs.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close