Sanchez Oo War Kama Dambeys Ah Kasoo Saaray Waayihiisa Arsenal, Bixid Ama Joogis

Ciyaaryahanka Kooxda Kubadda Cagta Arsenal Iyo Xulka qaranka kubadda cagta Chile, Alexis Sanchez ayaa waxa uu war kama dambeys ah kasoo saaray Waayihiisa kooxdiisa Arsenal, isagoona ujawaabay kooxaha doonaya.

Laacibkaan ayaa daboolka ka qaaday in uusna meelna kaga socon kooxda ka dhisan Magaalladda London islamakaana uu doonayo inuu kusii nagaaddo kooxda ku dheesha garoonka Imarites ee wadanka Ingiriiska.

Waxa uu intaas ku daray Xiddigaan in kooxaha doonaya isaga ay meesha ka saran inay la wareegaan, isagoona si gaar ah carabka ka ugu dhuftay Kooxda PSG, oo si waali ah loola xiriirnaya Wiilka gaaban ee Chile.

Hadalkaan kasoo yeeray Xiddigaan ayaa waxa uu neefta ka fujinayaan Taageerayaasha Gunners-ka kuwaas oo qabay walwal ah inay waayaan Xiddigaan, waxaana haatan arinkaan unoqoneysaa war Farxad leh.

Arsenal tell PSG Alexis Sanchez is going nowhere

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close