SAWIRRO” Horyaalkii minifootball ee JUMFO oo Kismaayo lagu soo xiray

Waxaa lasoo gabagabeeyay Horyaalkii JUMFO UNDER 16 CUP oo ay kasoo qeebgaleen sideed naadi waxaana koobkii kuguuleesatay kooxda KISIMA Mfc oo maanta guuldaradii u horeesay kala kulantay kooxda LEEGADA oo 2-3 sidokale waxaa wada ciyaaray Horseed Vs RPS 1-0 Qiilamawaye Vs Suuqwene 0-2,laakiin dhinaca Dhibcaha ayey KISIMA MFC koobka ku qaaday maaadama ay noqotay Kooxda ugu dhibcanaha badan.

Hadaba kulamadii gabagabada ayaa waxaa soo xaadiray taageerayaal farabadan oo aad uxiiseeyo kooxahan dayarta ah waxaana sidoo kale halkaas marti ku ahaa agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee maamul gobaleedka jubaland Burhaan Mohamed Xasan KUUKUUYO,iyadoo sidoo kale dhamaan xubnaha JUMFO Gudoomiye,Kuxigeen,Madaxa garsoorka iyo xubnaha xiriirka ay joogeen.

Waxaa koobkan qaaday Kooxda kubada cagta KISIMA MFC waxa kaalinta labaad galay kooxda RPS sidoo kale waxaa kaalinta sadaxaad iyo kooxda ugu fiican ku guuleestay kooxda Leegada laacibka ugu fiican waxaa ku guuleestay ciyaariyahan Bkaari Shubaali oo uciyaara kooxda Legada macalinka ugu fiican waxaa ku guulestay macalinka RPS suuley gooldhalinta waxaa qaatay laacibka kooxda kisima yuusuf sido kale goosha ugu quruxda badan waxaa qaatay ciyaariyahan Joosh oo ka tirsan kooxda Qiilmawaaye

Ugu danbeen Gudoomiyaha xiriirka kubad cayaaraha jubbaland state JUMFO Mohamed Abdikadir Kilwe Carabey ayaa sheegay inuu horyaalkan xigi doono midka ugu xiisaha badan horyaalada ay hada qorsheeyeen waana horyaal furan oo ay ciyarayaan ciyaartoyda dadooda kas areyso 16 sano.

023

Abdifitah Sahal Mohamed (Indhacade)

Related Articles

2 thoughts on “SAWIRRO” Horyaalkii minifootball ee JUMFO oo Kismaayo lagu soo xiray”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close