Saxiixa Cusub Ee Barca Mina Ku Qoob-cayaarey Camp Nou & Macalinka Barca Oo Fariin U Diray

Saxiixa cusub ee kooxda kubada cagta Barcelona ee Yerry Mina ayaa wuxuu ku sameeyay Qoob-cayaar cajiib ah xafladii lagu soo bandhigayey ee maanta ka dhacdey garoonka camaaliqada La Liga ee Nou Camp

Hadaba, sheekadaas oo aad si weyn looga hadalhayo Baraha bulshada ee wadanka Spain ayaa waxaa si gaar ah udul istaagey macalinka Barcelona ee Ernesto Valverde, kaasoo uwaramayey warbaahinta

Valverde oo la su’aalay sida uu u arko in wiilkaan uu ku qoob-cayaaro garoonka Camp Nou, ayaa wuxuu si cad usheegay in taasi aysan ahayn wax uu isaga xiiseeyo, balse ay uga muhiimsan tahay in gool loo dhaliyo.

Wuxuu yiri Valverde: “Waa xogaa raaxo ah, mana ahan wax xun marka la joogo kubada cagta.

Wuxuu intaas ku darey: “Waxaan la jeclahay ciyaartoydeeda inay dhaliyaan goolal, laakiin waxa ka dhaca kadib aniga ma xiiseeyo.

Wuxuu kusoo gaba gaba gabeeyay: “Waxaan jeclahay ciyaaryahanka kalsoonida leh, waxaana rajeynayaa inuu noqdo mid si taam unoqdo kooxda si uu noogu wanaagsanaado, waana waajib inuu tababarto si uu ula qabsado falsafadeena.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close