Saxiixa Cusub Ee Barca Yerry Mina Kashifay Sababta Uu Ku Doortey Imaanshaha Blaugrana

Daafaca cusub ee kooxda kubada cagta Barcelona, wiilka lagu magacaabo Yerry Mina, ayaa wuxuu daboolka qaadey in sababta uu ku doortey camaaliqada La Liga, inay tahay in joogaan ciyaaryahano waa weyn.

Inkastoo uu hadalkaas raaciyey inay ahayd riyadiisa inuu udheelo Barcelona, hadana xidigaan ayaa wuxuu carabka ku dhuftey inuu rajeyo inuu guulo la qeybsado kooxdiisa inta uu ku sugan yahay Camp Nou.

Mina oo la hadley warbaahinta Barcelona ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in inta uu ku sugan yahay Barca uu wax badan ka baran doono xidigaha la joogo, wuxuuna ku tilmaamay sharaf imaanshihiisa Barca.

Wuxuu yiri: “Aniga ahaan ma garano wax amaan ah oo aan ku tilmaamo inuu kusoo biiro kooxdaan, waxayna ahayd Riyadeyda inaan halkaan joogo.

Wuxuu intaas raaciyey: “Hada waxaan helayaa fursad aan kula dheelo qaar kamid ah ciyaartoyda aduunka ugu fiican, sida: [Lionel] Messi, [Gerard] Pique iyo [Samuel] Umtiti, wax badan ayaana ka baran doonaa.

Wuxuu intaas sii daba dhigey: “Waxaan filayaa inaan diirada aan saari doono sidii aan uwada guuleysan lahayn inagoo waxa socona, waxaana rajeynayaa inaan wada guuleysano.

Mar la weydiiyay waxa uu umaleynayo inuu heli doono inta uu Barca ku sugan yahay ayaa wuxuu yiri: “Waxa ugu badan ee aan hada xooga saari doono ayaa ah inaan kula guuleysto kooxda koobab badan.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Laakiin wax walba waxaa ka horeysa inaan si adag aan ushaqeynayo, waxaana ku dadaali doonaa inaan mar walba aan noqano kuwa aduunka ugu wanaagsan, waana inaan isku duubnaanaa.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close