SERIE A : Inter oo si fudud uga adkaatay Sampdoria

Kooxda Inter ayaa guul ka gaartay naadiga Sampdoria ciyaar ka tirsan horyaalka Talyaaniga oo caawa ka dhacday garoonka Giuseppe Meazza.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si wacan iyadoo kooxda Inter ay qabatay hoggaanka waxaana gool u dhaliyay xiddiga Danilo D’Ambrosio  iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Inter waxa ay la timid labo gool kale waxaana u dhaliyay xiddigaha  Miranda iyo weeraryahanka reer Argentina ee Icardi.

Ciyaarta oo gabo gabo ku dhaw waxaa Sampdoria goolka callanka u keenay xiddigii hore ee Juventus  Fabio Quagliarella iyadoo ugu dambeyn ciyaarta kusoo dhamaatay 3-1.

Sikastaba Inter ayaa soo tiigsatay kaalinta afaraad kala sareynta horyaalka Talyaaniga iyadoo iminka leh  48 dhibcood.

Inter 3-1 Sampdoria: Icardi caps convincing victory

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close