Shabakada CalcioMercato Oo Ka Hadashay Hadii Neymar Uu Doonayo In Barca Uu Ku Ciqaabo UCL

Neymar ayaa wuxuu Barcelona uu kula guuleystay Champions League, waxaana uu kaga biiray xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoona ay ku iibsatay PSG, aduun dhan 222 Malyuun taasoo ka dhigtay xidiga aduunka uu qaalisan.

Laacibkaan oo aad loola xiriirinayo inuu ku biirayo Real Madrid, ayaa wuxuu ku qaadanayaa qaab ciyaareed heer sare ah, horyaalka wadanka Faransiiska, isagoona ku wajihi doona Madrid, wareega 16-ka Champions League.

Sida laga soo xigtay Majalada CalcioMercato, ee laga leeyahay wadanka Talyaaniga, Neymar ayaa qaba kalsooni badan oo ku aadan inay kasoo tilaabsadaan Madrid, islamarkaana ay kasoo badin karaan.

Sidoo kale, Jariiradaan ayaa waxay sheegeysaa in Neymar, uu sidoo kale, uu doonayo in Barcelona uu ku wajaho koobka Champions League, islamarkaana uu aad uxiiseynayo inay isku arkaan Leo, koobkaan.

CalcioMercato, ayaa aaminsan in Neymar, uu diyaar uyahay inuu dhulka la simo markaas kooxdiisii hore ee Barcelona, uun ka dhaliyo goolal, laakin waxaa ka hor horyaala shaqo adag labada kooxba.

Barcelona, ayaa waxaa meel ku sugeysa kooxda kubada cagta Chelsea, waxaana ay u badan tahay in Blaugrana, ay soo bixi kareyso inkastoo ay wax isbedali karaan: waxaana PSG, iyadana hortalaa Real Madrid.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close