Shabakada Don Balon Oo Kashiftay Saddex Oo Real Ka U Gaarsaneyso Kooxaha Waa Weyn Ee EPL

Madaxweynaha Real Madrid, ee Perez ayaa wuxuu doonayaa in kooxdiisa uu keeno sanad ciyaareedka dambe, ciyaartoyda kala ah: Eden Hazard, Harry Kane iyo waliba David De Gea, sida ay wararku sheegayaan.

Saddex ciyaaryahan ayaa waxaa aad loola hadalhayay inay Los Blancos, ay lasoo wareegeyso suuqii Janaayo ee lasoo dhaafay laakiin waa ay ku hungowday, walina ka aysan harin, sida ay aaminsan tahay Majalada Don Balon.

Hazard, ayaa wuxuu u arkaa Madaxweynaha Real, midkii bedali lahaa Cristiano Ronaldo, kaasoo hada ay da’diisu tahay 33-sano jir, lagana dareemayo waqti xaadirkaan hoos udhac dhanka muuqaalka iyo Tayadda ah.

Kane, ayaa waxaa isana uu uyahay Maamulka Real, bedalka Karim Benzema, kaasoo isana ah mid aanan muuqaal ciyaareed fiican soo bandhigin guud ahaan xagaagan, wuxuuna kaliya La Liga, ka dhaliyay Saddex gool.

Goolhayaha reer Spain ee David De Gea, ayaa waxay u arkaan maamulka Madrid, inuu yahay midkii bedali lahaa Keylor Navas, kaasoo isana uu cawooshin badan uu kasoo gudbiyay tababare Zidane, ay macquul tahay in la fasaxo.

Sikastaba, Saddex-daan wiil ayaa helitaankooda waxaa uga horeysay Los Blancos, inay ku qanciyaan maamulka kooxaha ay udheelaan inay ka iibiyaan wiilashooda, waxaana ay noqon doontaa dhibaatada ugu badan ay la kulmi doonaan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close