Shabakada MARCA Oo Shaacisay 2 Sabab Oo Uu Kane Ku Imaan Karin Xagaagan Real Madrid

Real Madrid, ayaa waxaa shaki la’aan ah inay u baahan tahay xili ciyaareedkan weerar yahan ka dheela afka hore, iyadoona ay hada dhibaatooyinka haysata kooxda Zidane, ay qeyb ka tahay arinkaas.

Sikastaba, waxaa la filayaa in marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2018 ay kasoo tukaameysato Madrid, suuqa islamarkaana ay lasoo wareegto dhowr ciyaaryahano.

Ciyaartoyda aadka loola xiriirinayo Real, inay lasoo wareegeyso ayaa waxaa kamid ah, Neymar Jnr kaasoo fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay ugu biiro PSG aduun dhan 222 Malyuun, inkastoo aanan la filayn inuu dhaqaaqi karo wiilkaan.

Waxaa jira ciyaartoy kale, kuwaasoo aad loola xiriirinayo Los Blancos, waxaana kamid ah Harry Kane, kaasoo udheela kooxda kubada cagta Tottenham, iyadoona ay ka warantay arinkiisa Majalada Marca ee wadanka Spain.

Marca ayaa waxay rumeysan tahay in xidigaan uusan ku biiri karin Madrid xili ciyaareedkan sababo ku aadan in maamulka Spurs, gaara ahaan Milkiilaha kooxdaan uu yahay mid aanan dooneen inuu beeciyo laacibkiisa.

Daniel Levy, oo ah milkiilaha Tottenham, ayaa wuxuu yahay mid ugu yaraan diyaar u ah inuu ku beeciyo laacibkaan aduun dhan 200 Malyuun, taasoo ku noqon karta Los Blancos, sheeko aad u culus bixiteeda.

Sidoo kale, arinta labaad ayaa waxay ku sheegeysaa Majalada Marca, in laacibkaan uu yahay mid aanan jecleen inuu ku noolaado meel ka baxsan dalkiisa, sidaas darteeda uusan ka tegi doonin kooxda Woqoyga London, ka dhisan.

Harry Kane, ayaa wuxuu hada yahay xidiga ugu gooldhalinta badan dhamaan shanta horyaal ee qaarada Yurub, waxaana uu ka sareeyaan Lionel Messi iyo Ronaldo, wuxuuna dhaliyay 56 gool.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close