Shabakada AS Oo Kashiftay SHAN Ciyaaryahan Oo U Gaarsi Ba’an Uu Ku Hayo Macalin Zidane

Majalada wadanka Spain kasoo baxda ee lagu magcaabo AS, ayaa waxay sheegeysaa in maamulaha Real Madrid, ninka lagu magacaabo Zidane uu ugaarsanayo dhowr ciyaaryahan oo aad u halis u ah.

Xidigaha uu shiishka ku hayo ninkaan udhashay wadanka Faransiiska, ee hogaamiyaha Madrid, ayaa wuxuu doonayaa inuu keeno mid kamid ah, garoonka Bernabéu, islamarkaana uu ku duulan tago qeybta labaad ee xili ciyaareedkan

Dhamaan ciyaartoydaan ayaa waxay yihiin kuwa ka dheela dhanka weerarka, iyadoona uu Zidane, qorsheenayo inuu ku xoojiyo safkiisa, marka uu furmana suuqa kala iibsiga ee Janaayo uu lasoo saxiixdo.

Ciyaartoyda uu Zidane, rabo iyo faahfaahintooda hoos ka arag:

Eden Hazard [Chelsea]: Weerar yahankaan oo uu dhawaan xaqiijiyay Aabihiisa inay ujoojiyaan wada hadaladii heshiiska kordhinta ee Stamford Bridge wicitaanka Real uga imaanayaa Real Madrid ayuu Zidane rabaa inuu Bernabéu keeno.

Harry Kane [Tottenham]: 24-sano jirkaan uu qandaraaskiisa ka dhacayo 2022 misana sanadkaan 2017 dhaliyay 56 gool, ayaa wuxuu yahay mid kamid ah bartilmaameedka hogaamiyaha Los Blancos, xili lagu heli karo 200 Malyuun.

Neymar [PSG]: Waxaa xidigaan si gaar ah udoonaya Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Pérez, kaasoo marar badan cadeeyay in kooxdiisu ay xiiseyneyso wiilkaan, islamarkaana ay soo qaadan doonto maalin un.

Mbappé [PSG]: Walow uu hada ku joogo kooxda caasimada Faransiiska ka dhisan si amaah misana ku eg yahay 2018, ayaa waxay Madrid uhaysataa fursad hadii ay ku shukaamiso kooxda iska ee AS Monaco ayna miiska u saarto dhaqaalo badan.

Lewandowski [Bayern Munich]: Madrid ayaa waxay tahay mid xiiseyneysay wiilkaan intii dhaxeysa 2013-2016, waxaana Zidane uu hada doonayaa inuu urumeeyo taageerayaasha Madrid, riyo ay goor sii horeysay kasoo tooseen.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close