Shabakada Sky Sport Oo Ka Warantey Hadii PSG Ay Rabto In Man Utd Ay Ka Iibiso Lucas Moura

Shabakada Sky Sport, ee dalka UK, ayaa waxay sheegeysaa in Manchester United ay xiiseyneyso weerar yahanka Paris Saint-Germain ee Lucas Moura, laakiin United waxay tahay mid aanan wali tilaabo uqaadi soo qaadashada wiilkaan.

Gooldhaliye Moura, kaasoo kaliya xili ciyaareedkan ugu soo bilowday PSG, kulamadii ay la dheeshay horyaalka Faransiiska kaliya hal kulan, ayaa waxaa uu kasoo muuqdey dhamaan Lixda kulan ee uu dheelay Keydka.

Sky Sport ayaa sheegeysa in PSG ay rajeyneyso in 25-sano jirkaan aysan ka iibin koox kamid ah kuwa ugu cad qaadista Champions League, maadaama hada la maro marxalad xasaasi ah, islamarkaana uusan isaga udheelin iyada.

United ayaa waxaa kaloo lala xiriirinayaa laacib kale, oo garabka ka dheela, kaasoo ah Inter Milan, wiilkeeda Ivan Perisic, waxaana muuqata in aysan awoodin inay lasoo wareegto xili ilaa iyo haatan aad loola xiriirinayo.

United ayaa waxay la gaartey Moura oo ah mid aad da’yar sanadkii 2012, markaas ay awood usheegatay PSG xili ay kaga dulqaadey aduun lacageed dhan 30 Malyuun oo ay afka ugelisay kooxdii iska lahayd ee Sao Paulo.

Illo wareedyo ku sugan Paris, ee caasimada wadanka Faransiiska, ayaa usheegay Shabakada Sky Sport, sidoo kale, in PSG ay qorsheeneyso inay iska iibiso, ciyaartoyda khadka dhexe uga dheesha ee Javier Pastore iyo Angel Di Maria.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close