Shabakada Sky Sport Oo Ka Xog Warantey Halka Ay Mareyso Heshiis Kordhinta Mourinho

Jose Mourinho ayaa wuxuu kusii dhawaanayaa inuu heshiis cusub uu saxiixo, taasoo uu Manchester United kusii joogi doono tan iyo sanadka 2021, sida ay fahansan tahay Shabakada Sky Sport.

Mourinho oo qandaraaskiisa dhax barta uga jira ayaa waxaa uu saxiixay Sadex sano markii uu shaqada ka bedalay Louis van Gaal, bishii May ee 2016, waxaana uu ka dhacayaa sanadka soo aadan ee 2019.

Waxaa la rumeysan in wada hadalada heshiis kordhinta ee Mourinho wakiilkiisa iyo Manchester United ay bilowdeen horaantii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafey ee 2017.

Marka laga soo gudbo waqti-yadaas oo dhan, Mourinho ayaa wuxuu cadeeyay inuu rabo sii joogista Old Trafford, waxaana uu dhawaan sheegay inay ka go’an tahay guud ahaan kooxda.

Wuxuu intaas ku darey in dareenkiisa uu yahay mid uu kooxda siiyey ayna iyada ka dambeysay, isagoona ku tilmaamey wararka sheegay inuu baxayo xagaagan kuwa “qashin ah”.

Mourinho ayaa wuxuu la gaarey Man United guulo badan, isagoona la qaadey koobabka kale ah: Europa League, League Cup iyo Community Shield, inkastoo uu kaalinta 6aad ka geliyay EPL, sanadkiisii koowaad.

Waqti xaadirkaan, Manchester United ayaa kaalinta labaad waxay kaga jirtaa shaxda kala sareynta ee Premier League, iyadoona 12 dhibcood ka dambeysay Manchester City oo todobaadkan guulo la kulantey.

Sikastaba, kooxda kubada cagta Manchester United, ayaa wax aysan wali la hadlin heshiis kordhinta macalinkeeda Jose Mourinho.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close