Shakhtar Oo Dhagaha Kusoo Dhufatay City & Pep Oo Guul Daradii Ugu Horeysay La Kumay

Kooxda kubada cagta Shakhtar, ayaa waxay kaga soo badisay garoonkeeda naadiga kubada cagta Manchester City:- kadib markii ay wada dheeleen labada dhinac kulan ka tirsanaa tartanka Champions League.

Kulankaan oo ka dhacay garoonka Shakhtar, ayaa waxa uu kusoo dhamaaday guud ahaan 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda yar, iyadoona goolka koowaad ay dhalisay naadigan daqiiqadii 26-aad ee qeybta koowaad.

Wax yar kadib, naadiga Man City ayaa waxaa loo labeeyay ciyaarta, iyadoona uu daqiiqadii 32aad, uu ka dhaliyay kooxda Pep, wiilka lagu magacaabo Ismaily, iyadoona uu goolka kowaad ka dhaliyay laacibka Bernard.

Qeybta kowaad ee kulankaan ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 2-0 oo lagu leeyahay Man City; waxaana markii dib leyskugu soo laabtay ciyaarta, ayaa waxaa gool iska soo guday Sky Blues, iyadoona uu Rigoore udhaliyay Augero.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 2-1, oo ay guusha ku raacday Shakhtar, waxaana ay sidaas ugu soo baxday naadigaa wareega 16-ka ee tartankaan xiisaha badan ee Champions League.

Inkastoo Man City, ay horey ugu soo baxday wareega 16-ka ee tartanka Champions League, hadana waxay la kulantay Sky Blues, guul daradeedii ugu horeysay ee tartamada oo dhan, xagaagan.

City, ayaa waxay kaga soo baxeysaa kaalinta koowaad ee Group—keeda, iyadoona kamid ah 16 koox kuwaasoo isku aad loo sameyn doono Talaada soo aadan:- waxaana la filayaa inay soo baxaan kulamo adag.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close